Maqaal
Toddobo Tiir ee nolosha ku taagan tahay

Waxa lagama maar-maan ah in aad ogaato dheelitirka iyo tiirarka nolosha si aad u ogaato waxa kaa qaldan, waxa kaa dhiman iyo waxa aadan weli la iman amma aanad u dhaqaaqin iyo waliba in aad ogaato tiirka aad ku wanaagsan tahay si aad u sii xoojisid iyo ka aad ku liidato si aad u saxdid una hagaajisid. Sidoo kale in aad ogaato sida ay u kala muhiimsan yihiin iyo sida ay u kala horreeyaan. Waa aqoon ka mid ah aqoonta maadiga ah, Waa aqoon lagu saleeyay diinta islaamka oo tiir kasta oo ka mid ah waxa la innagu farayaa Qur’aanka iyo sunnada daahiran. Markaa haddiiba awalba ay ahaayeen waajib diini ah iyagoo mid kastana gaarkiisa la inoo faray, Sidaa daraadeed toddobadan tiir waxa ay lagama maarmaan u yihiin nolosha, Qaarkood haddii ay kaa maqnaadaan waxa ay sababaan in ay noloshu dheellido amma kala dhantaallanto. Tiirarkaan mid kasta oo ka mid ah qofka sideeda u fuliyaa waa mid liibaanay aakhiro iyo adduunb, sikale hadaan u dhigo qofka mid kasta oo ka mid ah ugu dhaqma sida ay diinta islaamku innoo jideysay waa mid liibaanay balse maaha sida uu isagu doonno.

Tiirarka noloshu waa Toddoba waxa ayna kala yihiin:

  1. Tiirka ruuxiga ah (Diinta):

Tiirka ruuxiga ah Waa xidhiidhka ka dhaxeeya naftaada iyo Alle (swt)  waxayna kala yihiin:

B) iimaanka saxda ah ee runta badan.

T) Waa cibaaddada Alle loo kali yeelay.

J) Waa shanta tiir ee Islaamka oo si toosan loo gutay.

X) Waa rummeynta aad ka dhab sheegtay iimaanka.

KH) Waa adiga oo Alle u caabuda sidii aad arkayso oo kale, haddii aanad adigu arkayna isaga ayaa ku arkaaya.

D) Waa jacaylka and Alle iyo rasuulkiisa jeceshahay.

 R) Waa sababta abuuritaankaaga iyo jiritaankaaga.

قال الله تعالى وماخلقت الجن والإنس إلا ليعبدون

 Alle (swt) wuxuu yidhi “wax kale ummaanaan abuurin jinka iyo insigaba, in ay Alle caabudaan mooyaanne”

  1. Tiirka caafimaadka:

haddaad kasoo baxday tiirka ruuxiga ah, Waxa muhiim ah in aad isna guul kasoo hoyso inta karaankaaga ah tiirka caafimaadka. Cudur  hadduu kugu dhaco hore ayaynu uga soo hadalnay oo waxa ay soo hoos galaysaa imtixaanada iyo ibtilooyinka, sidaa daraadeed waxa kula gudboon haddaad xanuunsato in aad is daaweyso  samirna kaashato. Tiirka caafimaadka waxaan hadda aynu kaga hadlaynaa waa in aad adigu gacantaada ku kasbato xannuun amma cudur, Alle wuxuu yidhi (swt):  “gacamihiinna ha ku halaagina nafihiinna” Waa waajib diini ah in aad ka fogaato wax kasta oo caafimaadkaaga wax yeellaaya. Hadday tahay qaad, sigaar, saamaleyl amma soo jeed iyo waxa la midka ah.  Cun cuntada aad u baahan tahay, haddaad bukto la xidhiidh dhakhtar, samee jimicsi fudud oo aan waqti iyo qarash badan aadan kulumin, tusaale Iska jooji raacista gawaarida oo lugee waqtiyada qaar. Cab biyo kugu filan. Seexo habeenkii goor hore hurdo kugu filan.

  1. Tiirka shaqsiyadda:

xidhiidh ayaa idinka dhexeeya adiga iyo shaqsiyaddaada qofnimaddaada, taas oo ah in aad wax barato, aqoon- yeelato, caqligaaga dhisto, khibrad aad kororsato, culummada iyo dadka cilmiga iyo aqoonta u saaxiibka ah in aad ku xidhnaato, wax akhrido waxna qorto, maaddi iyo diinba aad barato.

  1. Tiirka qoyska:

Walal  u samo fal waalid kaaga oo noqo mid adduunkana u dhaga nugul oo kasbo khayr iyo duco. Sidoo kale xidhiidhi ehelka aad kasoo kala jeeddo, tusaale In aad xidhiidhiiso oo aad ka war hayso qoyskaaga dhammaan, hadday tahay walaal, adeer, abti, awoowe, ayeeyo iyo ubadkoodda aad tihiin ilmo adeer, ilmo abti, habar- wadaag iyo kuwa ay sii dhaleen ee aad waalidka u tahay iyo xididkaba. Waa inta Alle (swt) kaala xisaabtamayo maalinta dambe. Qofka Waalidkiisii dhalay u sama falay, ehelkiisana xidhiidhiyay waa hubaal in uu reerkiisana kasoo baxayo. Reer marka aynu ka hadlayno waxa ugu mudan xaaskaaga/saygaaga iyo ubadkaaga. Hadduu dhawr qof oo isku tagay ka kooban yahay, bulshaduna dhawr qoys oo isku tagay ayay ka kooban tahay, Sidaa daraadeed qofka oo hagaaga waa qoyskii oo hagaagay, qoyska oo hagaagaana waa bulshadii oo hagaagtay.

  1. Tiirka bulshada:

Waxa jira xidhiidh idinka dhaxeeya adiga iyo jaarkaaga iyo bulshada kugu xeeran dhammaan. Sidoo kale asxaabtaada imaka, kuwa shaqada, kuwa wax barashada, kuwii yaraantaadii. waa in aad wanaajisa, ka war haysaa, isla markaana aad mar walba ku dedaashaa in aan eed lagaa sheegan, noqotaana qof ku sifoobay jaar wanaag, bulsho yahan iyo saaxiib wanaagsan. Hana noqon qof bulshada ku xeeran marka ay arkaan ka naxaan ama dhibsadaan.

  1. Tiirka xirfadda iyo shaqada:

waa tiir kale oo nolosha lagama maarmaan u ah. Waa muhiim in aad noqoto qof xirfad shaqo leh isla markaanna horumarin ku sameeya xirfaddiisa. Qof Shaqadiisa u daacad ah gudanna yaqaan isla markaanna raadsan yaqaan shaqooyinka. Ku kuna faraxsan kolba shaqada uu hayo.

  1. Tiirka dhaqaalaha iyo Maalka:

tiirkan waa tiirka u danbeeya balse dadku inta badan ay kaalinta koobaad ka dhigtaan.  In aad maal badan yeelataa maaha mid awooddaada ku xidhan, Waxa’ayse u baahan tahay marka hore in aad ku wanaagsan tahay tiirarka hore ee lixda ah. Kan inta uu Alle kaaga qoray ayuunbaad ka helaysaa. Adigase waxa kula gudboon in aad qorshaha ku darsato aad sameyso. Balse yaanuu noqon mid ku seejiya amma ku hilmaansiya tiirarka kale ee lixda ah. قال الله تعالى : ويحسب ان ناله الله هو كالبدر في العطية) الهمزة haddii in aad gosha buuxsato damacdo kaalinta koobaadna aad shilimada ka dhigato arrinkaagu wuxuu noqonayaa kuwii Alle (swt) qur’aankiisa inoogu sheegay ma waxa uu u maleynayaa in maalkiisu waarinayo” laakiin arrinku sidaa maahee naarta Xudama la yidhaa ayaa lagu tuuri”. Shaqee oo xoolo yeelo. Balse ogow haddaad hesho waa lagugu imtaxaamayaa sida ay kugu soo galeen iyo sida aad u adeegsataba Balse muhiimaddu waxa weeyi noloshaada kale waa sidee tiirarka kale se sidee isku tihiin. قال الله تعالى: وانع فيها الا اله الدار الآخر قوا عن بيان من الشباب القصص  Alle (swt) wuxu yidhi: “wixii Alle ku siiyay ku dalab daarta aakhira, hana illaabin nasiibka aad adduunka ku leedahay”

 

GUNAANAD

Tiirarkani, tiir kasta oo ka mid ahi muhiimaddiisa ayuu leeyahay, haddii aad ku guuleysato dhammaan, waxaa hubaal ah in aad tahay qof liibaanay aakhiro iyo adduunyo Waxaad tahay qof nolosha ku guuleystay, waxa tahay qof illaahay iyo ummaddiisuba jecel yihiin.

Muhiimadda kale ee ay tiirarkani leeyihiin waa mid ka mid ah dariiqa lagu gaadho himmilooyinka amma (ujeeddooyinka) aad nolosha ka leedahay ee aad rabto in aad ku xaqiijiso riyooyinka amma hammiga dheer ee mustaqbalka fog iyo kan dhawba rabto in aad mar uun aragto amma soo taabato, Waa haddii aad tahay qof ujeeddooyin nolosha ka leh isla markaana ujeeddooyin qoran leh oo kaliya aan niyadda ku haysane hammigiisa dhaw iyo ka fogba ay u diiwaan gashan yihiin. Waxa kale oo ay kaa caawinayaan maamulidda iyo qorshaha waqtigaaga.

Sidoo kale Waa isku dheellitirka nolosha iyo halbeegga aad ku cabbirayso dhadhanka iyo macnaha ay noloshu kuu sameynayso iyo doorka aad ka qaadanayso qofnimaddaada, qoyskaaga, qarankaaga iyo guud ahaan qoomka amma adduunka aad la nooshahay.

Qoraa: Shucayb Abdirahman

About the Author

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Read More

No Results Found

The page you requested could not be found. Try refining your search, or use the navigation above to locate the post.

Share This