Maahmaaho

Maahmaaho

  • Ari been waa didaa, beense ma dhutiyo.
  • Arijiri ma kala abaal weydo.
  • Afjooga looma adeego.
  • Af aanad lahayn lama qabto.
  • Af macaan, gacan macaan baa dhaanta.
  • Af aammusani, marti ma sado.
  • Afxumo nabadna waa kaa geysaa, colaadna wax kaagama tarto.
  • Af wax cunay xishoo.
  • Arrin rag waa mudacyo afkood.
  • Awr awr wado, iyo nin naagi waddo, midna kaama baydho.
  • Ammano kugu raagtay yaddaa baa la moodaa.
  • Aroos lagama raago, lagumana raago.
  • Bartii yaqaan bari uma korodho.
  • Baryo badan iyo bukaan badanba, waa laysku nacaa.
  • Barasho horteed hay nicin (ha i nicin).
  • Barashadu waa laba, Ku bartoo kuma daayo, Ku bartoo kuuma noqdo.
  • Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
  • Ballandarro waa diindarro.
  • Ballaysin bir ka adag.
  • Baadiyi nin aan lahayn bay ag joogtaa.
  • Baruur baa baruuro qudhmisa. 
  • Belaayo intay kaa maqantahayba, qayr kaa bay ku maqantahay.
  • Belaayo kac guur amma kac guursay ku tidhaa.
  • Biyo meel godan bay isugu durduraan.
  • Bilsaddex reerkaagana way kaa saartaa, reer lslaameedna kuma gaadhsiiso.
  • Booraan hadimo ha qodin, ku dhicidoonteena mooyee.
  • Waad baahantahay looma bahala cuno.
  • Laba tallabo dhexdoodba talo ka dhalataa.
  • Togba taagtii buu rogmadaa.
  • Tooggo meel bay kaa riddaa.
  • Timir laf baa ku jirta.
  • Nin tuur lihi tab uu u s exdo ma waayo.
  • Waayeel tag lama yidhaa ee wax uu ku tagaa la tusaa.
  • Jiljileecna looma dhinto, adadaygna laguma waaro.
  • Jiilaal waa ninkii haye.
  • ljiid an ku jiidee waa gacmo daalis.
  • lnta Jiilaal loo adkaysto, jir looma adkaysto.
  • Jiilaalka iyo ninku way legdamayaan, kolba ka naagtu raacdaa adag.
  • Xabaalo waalid baa xoolo lagala baxaa.
  • Xaajo dhan waa ka xusul, dhanna waa ka taako.              
  • Xaajo daaman la qabto ayay leedahay ee daba la qabto male.
  • Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan.
  • Xantaada xiinkeedaa kuu baxa. Xeer waa negaadi.
  • Xadhku geel ma wada xidhaan.
  • Xoolahaagu xeer iyo xero mid ha kuugu jireen.
  • Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.
  • Xalaal iftiin baa la qashaa.
  • Doqoni hoosiis bay hadh mooddaa.
  • Doqoni haddii la xafiiltamayo in la kala tegeyo ayay mooddaa. 
  • Doqoni xadhkaha lagu xidhayo, xusulladay ku sidataa.
  • Doqoni hafaranyo iskama rogto.
  • Dacawo halkay macal ku dhadhamisay bay macaluul ugu bakhtidaa.
  • Dad wax-yar-tare mooyee wax-ma-tare maleh.
  • Darandooriyaaba naasnaasi.
  • Dardaaran cawaysin kallah arooryuu leeyahay.
  • Dameero isku hallayn bay hooyadood dabada uga nuugaan.
  • Dumaal nin ka xishoodaa kama ilmo dhalo.
  • Dirxigu dantiisuu qurunka ugu jiraa.
  • Durduro waxarood xanan bay kula gashaa.
  • Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.
  • Riyo hadday dub leeyihiin, dabadooday ku qarin lahaayeen.
  • Rag aammusay iyo riyo aammusay, labaduba reerkoodii gabe.
  • Rag is galay kala gallad la’.
  • Rag hareertaadaa laga dayaa.
  • Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
  • Riyo lugtoodaa shalaw u soo do’da.
  • Runtu ragga way ka nixisaa, mase disho.
  • Rag lama maleeyo.
  • Ragannimo dantaa moogi bay ku jirtaa.
  • Wax rag kaa galay, rako kaa gale.
  • Rag waa raggii hore, hadalla waa intuu yidhi.
  • Rawis reerkiisa looma dhaamo.
  • Raqiba waa raggeeda.
  • Ruqe ninkii lahaa dabada kaga joogaa ma kaco.
  • Rag muraadli’i meel waa u maraa, muraadli’ise meel uma fadhiyo.
  • Rag la’aani wax kuma yeesho ee rag xumaan baa wax ku yeesha.
  • Reerkaan doonayey, roob igu eri.
  • In rag karo ayuu reer ka dhintaa.
  • Rag gogoshii waa godobla’aan.
  • Run iyo beeni kala raadleh.
  • Saantii dooraa sari ka hadhaa.
  • Salal laguma fadhiyo ee sad baa lagu fadhiyaa.
  • Sirmaqabe Allaa u sahan ah.
  • Sirrow ma hodmo.
  • Sakhaawe ma deego, Sadaqadi reer ma bi’iso.
  • Siday u geesoweyntahay uma badiso.
  • Sidaan kuugu lisay iigumaad hambayn.
  • Nin soori kaa qaadday waa nin seefi kaa qaadday.
  • Sagaaro tun la kala qalo male.
  • Saaxiibkaa amma kuu sahan ahaa, amma kuu sabab ahaa.
  • Soddoggaa hal geel waa looga tagaa, hal geedse loogama tago.
  • Soddohdaa waa lala hadlaa wax xunse lama yidhaa.
  • Sagaaro iyo tuuryo in yar baa laysla helaa.
  • Sibraar sahay ma aha.
  • Hilib sooryo ma aha.
  • Ciise socod kuma laabna, abeesana samir kuma laabna. 
  • Nin aanad saacad ku baran sannad kuma baratid.
  • Soori cun iyo cun bay ku macaantahay.
  • Shan nin oo martiqaybleh shanshaa ka go’da,
  • Shan nin oon martiqayb lahayna shan shanshaa ka go’da.
  • Rag shir lagama daayo, adhina shidho lagama daayo,
  • lo’na shiish barqo lagama daayo.
  • Haddii lagu sheelo waa lays sheegaa,
  • Haddii lagu sheegana waa lays sheelaa.
  • Shimbiri maalin bay dab qaaddoo,min Allay gubtay. 
  • Shimbiri laba tog kama wada bardeysato.
  • Caano daatayba dabadood la qabay.
  • Caano yar iyo ciidan yarba, kolka la waayo ayaa la gartaa.
  • Col ku galee oo cabsi kugu reebee.
  • Col hortiibaa la hubsamaystaa.
  • Col kaa badan iyo biyo kaa badaniba waa ku hafiyaan.
  • Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kacday, midna ma qaboobo.
  • Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesana dhul u eki.
  • Carruuri waa ciil laga weynaadey.
  • Caano jiilaal, canba can dareen.
  • Cadho walaal waa la bariiyaa.
  • Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho.
  • Waa laycaayey ceeb baa kaa raacda.
  • Caleen qudhac calool geel wax kama tarto.
  • Canaan kayaab reer ma doojo.
  • Ciirtaa dhamaa, ceebtaa yaqaan.
  • lntii calooshu bukulahayd, cagtu ha bugto.
  • Finka caloosha ku yaal, carrabkaa dila.
  • Cawlba cawlkiisuu la boodaa.
  • Colaadi yaryaraysi ma leh.
  • Calool rag waa webi xagaa.
  • Geeljire kacaanee buu, ku caano waayaa.
  • Gardiid waa Alla diid.
  • Gar waa loo wada lslaam.
  • Gari laba nin kama wada qosliso.
  • Gari Allay taqaan.
  • Gartaada inta aanad geedka tegin baa la naqsadaa.
  • Gadhba gadhbaa la tusaa.
  • Garawshiinyo waa sad waayeel.
  • Gacantaadu hadday sollo gasho, laguma soo dhufto ee waa laga dhirindhirriyaa.
  • Gacani waa ninlihi u go’do.
  • Gacan qaad an laguu ogeyn iswadh baa la yidhaa.
  • Geesi Alla ma xilo.
  • Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa.
  • Geesi dhereb kuma jiro.
  • Geeri nin aanad garanayn iyo geeljiray ku roontahay.
  • Geelgeel waydaartay geedo la’aan baa leh.
  • Geed walba in gubtaa hoos taal.
  • Nin geel raacijirey oo geel kale u tegey, hashaa magaceed buu korodhsaday.
  • Nin guursaday xuunsho xoolo mood.
  • Gaashaanqaad ma habaabo.
  • Geel nabar aanu ogeyn buu ka gaggabaa.
  • Geeljire geela waa wada jiraa, ninbana hashiisuu jirtaa.
  • God walba wixii qotaa loogu yimaaddaa, (loogu tagaa).
  • Goorxunsocdaa, goorsan taga.
  • Giir lo’aad iyo girrid mocaayo, midna ma go’o.
  • Dhac dushii laguma wada hadlo.
  • Dhiil madhan iyo dhiil buuxa layskuma dhufto.
  • Dhubuq dhubuq hore, dhabanahays dambe ayay leedahay.
  • Dhoofaa kaa dhimey.
  • Dhuumasho dhabarku muuqdaa, dhuumasho ma aha.
  • Nin aan dhul marini dhaayo la’.
  • Dhegi meel dheer bay ku dhacdaa, dhagaxna meel dhow.
  • Dhicisku inta birta loosoo siduu kaa bakhtiyaa.
  • Dheg haddii la gooyo daloolkaa hadha.
  • Fari fool ma maydho.
  • Faq fagaaruu yimaadaa.
  • Faras aanad lahayn fuulmadiisa, futaqarradh baa laga qaadaa.
  • Farriini weyl ma koriso.
  • Fule xantii ma mooga.
  • Fari tog bay kula xushaa.
  • Fallaadhi gilgilasho kaagama go’do.
  • Farihii dufanleh ayaa wax duuga.
  • Fuulmo waa farakuhayn.
  • lntay baaqanlahayd ha yaraato.
  • Nin walba kitaab qummane ah ayaa qoorta ugu jira.
  • Qatanaan reer waa la galaa, qaawanaanse lama galo.
  • Kolba sida loo jabaa loo dhutiyaa.
  • Kuftin jilib waayeel wax uga dhib leh.
  • Karka kulayl baa ka keenay.
  • Karisxun iyana kaal ku la’ (wax ku la’).
  • Keligii cune keligii buu dhintaa.
  • Kala go’ iyo kala lulasho, kala lulashaa la qaatey.
  • Kuddar iyo kuddo’, kuddo’ baa roon.
  • Lax waliba leggeeday xaadhataa.
  • Laxiba naysheeday wadataa.
  • Laba caanaddoon isma weydo.
  • Luqun dheeraatay, madax ma dhaafto.
  • Lo’yahay nin aan ku soo fulinaynini, yuu ku aroorin.
  • Libaax nin aan oqoon baa lax ka rita.
  • Layli biyaha kashiisa ku jiruu ka didaa.
  • Lamahuraan waa caws jiilaal.
  • Laba tallaabo dhexdood bay talo ka dhalataa.
  • Laba sagaaro didmo mooyee, ciidan iskuma taraan. 
  • Laab la kacay, lugase kuma joogo.
  • Laba ceebood, taadaa la jirtaa.
  • Laba biyo hoostood iska harraatiday, iyagaa is og.
  • Laba nin oo debed seexday, midba geesbaa debed ah.
  • Labawalba isa saaray, laba tagoogo isma saarin.
  • Laabi laba u la.’
  • Lo’i intay cidla ku geyso ayay kugu cidaa.
  • Libaax laba raqood lagama wada kiciyo.
  • Min haddaad soo gasho, meeladayday lama noqdo, Manfac haddii lagu siiyana, murdiye lama noqdo.
  • Madax aanad lahayn miyirkiisa laysma saaro.
  • Magaalo qayrkaana u cay adna ha dayn.
  • Marti loo qaday in lalaqabo ayay mooddaa.
  • Marti iyo meydba waa la muquunshaa.
  • Meel aanad seexanayn laguma luloodo (lulmoodo).
  • Meel hoo doonaysa, hadal wax kama taro.
  • Milil  dushii lama dhayo.
  • Macarcune, soo bixi doonee.
  • Muddo maalin ka yar, iyo marti nin ka yar midna lama arag.
  • Matag meeshaad doonayso, kuguma simo.
  • Madax Muslin iyo madax munaafaq, meel bay wada yaalliin.
  • Midiidin qoodh ma aha.
  • Midho daray duuduubbaa lagu liqaa.
  • Midho geed saaran midho gunti ku jira looma daadiyo.
  • Naago nin ay yaqaanniin, col ma moodaan.
  • Nin reer u weyn, iyo naag naago ka ummulisay, midna sida uu wax u ogyahay uma, sheego.
  • Nin daad qaaday, xumbo cuskay.
  • Nin arrintiisa rartay, waa nin orgi rartay.
  • Nin habari dhashay, hal ma seegiwaayo.
  • Nin aan qooq dilin, maroodi ma dilo.
  • Nin intuu geed ka boodayo, arrini way ka booddaa.
  • Nin yari waa nin ban soo rooraya.
  • Nin hoostiisa dayaa, hareertiisa ma dayo.
  • Nin loo tumay looma talin.
  • Nin aan waxa soo socda garannini, waxa jooga ma garto.
  • Nin ilkaweyni hadduu go’ayona, inuu qoslayaa lamoodaa.
  • Ninna maankiisa, ma saluugo.
  • Nin fadhigaaga arkaya, looma sarajoogsado.
  • Nin af leh ayaa abaar ka baxa.
  • Nin weyni wedkii waa yaqaan.
  • Nin qoyani biyo iskama dhawro.
  • Nin xoolihiisii la qaaday, ayaan daranow mooyee, orod daranow lama yidhaa.
  • Ninna korkiisa, biyo kama hagrado.
  • Nin durbaan qaatay, laaq dalbay.
  • Nin walba ceesaantii, ceelka keentay.
  • Nin iyo naagtii colna ma aha, nabadna ma aha.
  • Nin gunti xumi, inuu wax qarsanayaa lamoodaa.
  • Nin aan bakhtiinnin, ma baxnaanin.
  • Ninka aad wax ku qarsanlahayd, wax lagama qarsado.
  • Nin aan weedh sugini, waran ma sugo.
  • Nin aan warankaagu gelin, weedhaadu ma gasho.
  • Hal diidaysaa, geed ay ku xoqato ma weydo.
  • Habar dhaliweydey, aleelo ku waalatay.
  • Habar fadhida legdini wax uga fudud.
  • Kaadibadane waa loo gogol badiyaa.
  • Kor fayow baa la dhawraa.
  • UI jiiftaa ma jabto.
  • Kaadi ul dheer baa la iskaga duwaa.
  • Qunyarsocde qodixi ma muddo.
  • Calool adayg waa Alla wehelkii.
  • lntii qar jiray ba quruuruxna waa jirey.
  • Qandi uu ku rito iyo qiil uu ku bannaystoba wadaad baa leh.
  • Qaylo waa cid keen.
  • Qaybshe qad, amma qaaday.
  • Qaydhiin (cayriin) iyo bisayl wixii ka dhexeeyaa waa yacyacood.
  • Qoodhi qardabo iskama dayso.
  • War la qabaa xiiso maleh.
  • Wixii dooxa daad ha qaado, wixii daantaana, dabayli ha qaaddo.
  • Wax aanad hurayn horaa loo yeelaa.
  • Wax aanad helikarayn, wax aanad u baahnayn baa laga dhigaa.
  • Wax aan gacantaada ku jirin iyo afkaagu waa kala raagaan. War jiraaba, Cakaaruu iman.
  • Waran kugu soo noqondoona, lama rido.
  • Wan weyni jeeroo la gawroco, indhihiisu cirka ma arkaan.
  • Waad baahantahay, looma bahalacuno.
  • Waraabe ul lala gaadhiwaa, afna waxba lagaga guriwaa.
  • Waraabe dhankii loo eryaaba waa u bannaan.
  • Wiilkaaga walaal ka lahaw, walaalkaana wiilal ka lahaw.
  • Wixii la arkijiray wixiisii baa lagu akhriyaa, waxaan la arkijirinna, Subxaanalla laga akhristaa.
  • Waano dhalan baa ka adag.
  • Weysha gawrac dibigu ha ku quusto e.
  • Wax walaal loo diiday, wed baa leh.
  • Wadiiqadu waddada weyn bay kugu riddaa.
  • Waxa ummusha u dan ah, ayaa ilmahana u dan ah.
  • Wax indho arkaan baa ilko gooyaan.
  • Wax aanad filayn iyo fallaadhiba way kaa nixiyaan.
  • War la’aan baa col hodday.
  • Wax isweydiini ma xuma e, wax isweydaaris baa xun.
  • Hadal iyo hilbaba kala qalan.
  • Hadal waa dheh amma dhegeyso.
  • Hadal waa murti iyo yoon yoon.
  • Hadal af dhaafay, afaaf dhaaf.
  • Hadal markhaati leh iyo hilib mindi leh, midna laguma mergedo.
  • Hadal run baa lagu caddeeyaa, ilkana rumay baa lagu caddeeyaa.
  • Hadal bilaale ma buuxsho.
  • Hadal hamo lagama dhaansho.
  • Hadal intuu uur kaaga ku jiro, ayuu ammaanadaa yahay.
  • Hunnu hunnuna hadal ma aha, himbiriirsina wax arag ma aha.
  • Hadal waa run kama rayste. 
  • Hadal badani fariidnimo ma’aha Hagoogi caafimaad ma’aha,
  • Hindisena xoolo maaha.
  • Hadal nin yareeyeyna kama wada tegin,  nin badiyeyna ma wada odhan.
  • Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
  • Haddii hammadaadu kuu been sheegto, taagtaadaa kuu run sheegta.
  • Nin aan hadlan habartiina wax ma siiso.
  • Hadal lama ag joogsado, ee geed baa la’ag joogsadaa.
  • Harag adhi iiga kac mooyee, iiga durug ma leh.
  • Hadday fooli timaaddo, gudaqarsiimo hadhay.
  • Habeen buu rag is dhaafay.
  • Xayn yari sabool bay eedday, xididna hadal buu eeday.
  • Geel aan qawsaar lahayn iyo adhi aan qawdhiidha lahayn midna ma dhaqmo.

Maahmaaho Saddex Saddex ah

Saddex lalama dego :-

  1. Bakhayl damac yaqaan,
  2. Fule daandaansi yaqaan,
  3. Doqon fiiro taqaan.

 

Saddex lama raaco :-

  1. Ma horreeye,
  2. Ma hambeeye,
  3.  Ma haasawshe.

Saddex Ba rag ugu liita :-

  1. Ma toshe
  2. Ma tashiishe
  3. Ma tashade

Saddex laguma galo :-

  1.   Ban aan faras lahayn,
  2.   Barqo aan cano lahayn,
  3.   Bilaad aan boqor lahayn.

Saddex baa boqornimo kaa qaadda :-

  1.   Gar weecsan,
  2.   Gacan gudhan,
  3.   Guddoon jilicsan.

Saddex lama arag :-

  1.   Bakayle tallaabsanaya,
  2.   Badhi ciyi ah,
  3.   Bilaayo laba qad ah.

Saddex ma gaadhid :-

  1. Nin maalin ma gaadhid,
  2. Ninna sannad ma gaadhid, 
  3. Ninna waligaaba ma gaadhid,

Ninka kaa faras wanaagsan maalintaa ma gaadhid,

Ninka xoolihiisa meeshaada meel ka fiican daaqsadayna, sannadkaa ma gaadhid,

Ninka kaa naag wanaagsanna, Waligaaba ma gaadhid.

Saddex kolkaan bartay baan ka gaboobey :-

  1.   Dab ololintii.
  2.   Awr carraabinteed.
  3.   Carruur aammusiinteed.

Wuxu yidhi: “Waagii hore  dab haddaan hurinayo, durba neef baan ku bilaabi jirey, kolkaasaa madaxu igu wareeri jirey sida aan u afuufayo. lmmikana, waan iska daayaa, oo kolka uu heeraabo, (reeraabo). ayaan isaga oo neef yar doonaya afuufaa amma dabayshuba ololisaa. Waase goorma ? Waa goor aan ka gaboobey.” Wuxu yidhi: “Awrta karinka lihi la raro sida geela baarfuranka ah is kuma tub dhacdo kolka la soo carrabinayo, ee midba meel buu is ka maraa, oo dhib badan baa iga gaadhi jirtay waagii hore. lmmikase. hoggaammada ayuun baan qaataa oon isku soo xidhiidhshaa. Waase goorma ?. Waa goor aan ka gaboobey. Wuxu yidhi: “Waagii hore haddii ilmo carruur ihi agtayda ka ooyo waxan ku dadaali jirey inaan kolkaaba aammusiiyo, oo dhib baa iga gaadhi jirtey. lmmikase waan iska daayaa oo kolka uu oohin ka daalo ayuun baan isaga oo abaal ku qaba, aamus idhaa, kolkaasuu aamusaa. Waase goorma ?. Waa goor aan ka gaboobey.

 

Taxanaha Darsidda Afka iyo Suugaanta Soomaalida (Buuggiisa 1aad)

Taxanaha Darsidda Afka iyo Suugaanta Soomaalida (Buuggiisa 1aad)

Buuggani wuxuu daah-furayaa silsilad la magacbaxday Taxanaha Afka iyo Suugaanta Soomaalida . Waa mashruuc cusub oo ay ku tallaabsatay Akadeemiye-Goboleedka  Af-soomaaliga (AGA), ujeeddadiisuna tahay dhiirrigalinta , taageeridda iyo horumarinta dadaalka cilmiyeed ee ku wajahan darsidda iyo faafinta aqoonta ku saabsan afka , suugaanta iyo sooyaalka Soomaalida oo ay ka mid tahay taariikhdu . In kastoo mudnaanta koowaad la siin doono buugaagta ku qoran Af – soomaaliga , haddana AGA waxay dhiirrigalinaysaa guud ahaanba cilmi – baarista iyo faafinta ku saabsan arrimaha kore, afkii ay doontaba ha ku qornaatee . Buuggani wuxuu xambaarsan yahay dhawr iyo toban qoraal cilmiyeed oo lagu darsayo Af – soomaaliga iyo suugaantiisa . Waa diraasado ka dhashay cilmibaaris ay si qota dheer uga shaqeeyeen xeeldheereyaal Soomaali iyo ajnabiba leh 00 badankoodu safka hore kaga jira hormuudka xeeldheereyaasha ku can – baxay qoraallada noocaan ah. Waa cilmibaaris ugub ah oo la hubo inay wax weyn ku soo kordhin doonto aqoonta arrimahan , wax bandanna u faa’idayn doonto qof kasta oo daneeya Af – soomaaliga , suugaanta iyo cilmiga afafka.

Sidaa u  akhrisato  Buuga