Buuggani wuxuu daah-furayaa silsilad la magacbaxday Taxanaha Afka iyo Suugaanta Soomaalida . Waa mashruuc cusub oo ay ku tallaabsatay Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga (AGA), ujeeddadiisuna tahay dhiirrigalinta , taageeridda iyo horumarinta dadaalka cilmiyeed ee ku wajahan darsidda iyo faafinta aqoonta ku saabsan afka , suugaanta iyo sooyaalka Soomaalida oo ay ka mid tahay taariikhdu . In kastoo mudnaanta koowaad la siin doono buugaagta ku qoran Af – soomaaliga , haddana AGA waxay dhiirrigalinaysaa guud ahaanba cilmi – baarista iyo faafinta ku saabsan arrimaha kore, afkii ay doontaba ha ku qornaatee . Buuggani wuxuu xambaarsan yahay dhawr iyo toban qoraal cilmiyeed oo lagu darsayo Af – soomaaliga iyo suugaantiisa . Waa diraasado ka dhashay cilmibaaris ay si qota dheer uga shaqeeyeen xeeldheereyaal Soomaali iyo ajnabiba leh 00 badankoodu safka hore kaga jira hormuudka xeeldheereyaasha ku can – baxay qoraallada noocaan ah. Waa cilmibaaris ugub ah oo la hubo inay wax weyn ku soo kordhin doonto aqoonta arrimahan , wax bandanna u faa’idayn doonto qof kasta oo daneeya Af – soomaaliga , suugaanta iyo cilmiga afafka.
Sidaa u akhrisato Buuga
0 Comments